AMISOM iyo Turkiga oo looga digay inay qeyb ka noqodaan Colaadda Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareeyay weerar ay sheegene in lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame. Dowladda ayaa beenisay inay werar ku qaaday msuuliyiintaasi.

War Saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday hoyga musharaxiinta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Gorgor eeuu Turkigu soo tababaray.

“Weerarka waxaa qayb ka ahaa ciidanka Gorgor ee ay Dawladda Turkiga tababareen, qalabeeyeen, mushaarkana siiyaan. Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin ayaa maanta AMISOM ka daabulay rasaas weerarka looga qayb qaato”, ayaa lagu yiri qoraalkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta.

BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karta sheegashada Midowga musharixiinta ee ka dhanka ah Turkiga iyo AMSIOM.

Balse Golaha Nabadda ee Midowga Afrika ayaa isbuucan ka dalbaday AMISOM inay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidammada qaranka Soomaaliya xilli ay jirta xiisaad ka dhalatay muddo kordhinta lagu murmay ee hay’adaha dowladda.