Odayaasha Muddulood oo ka digay in la boobo lacag dhawaan lagu qabtay garoonka Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beesha Muddulood, kulankaasi oo ku saabsanaa hanti lacageed oo ay lahayd gabar ganacsato ah isla markaana ciidamada Booliska dhowaan ku qabteen diyaarad ka timid magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Bayaan ka soo baxay kulanka odayaasha iyo waxgaradka beesha Muddulood ayaa looga digay taliska Booliska inuusan boobin hantida Saabiriin Cabdulqaadir Isxaaq oo iyadu iska leh lacagtaasi isla markaana ka ganacsata dahabka iyadoo ka howlgasha magaalooyinka Muqdisho iyo Islii muddo dhowr iyo toban sano.

“Waxaan ka soo horjeednaa in hantida gabadhaas la siyaasadeeyo” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay shirka odayaasha beesha Muddulood, iyagoona hoosta ka xariiqay inay cabasho ka yihiin hadal ka soo yeeray taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka oo doonaya inay mugdi geliyaan tirada lacagta.

Lacagta ayay sheegeen odayaasha inay tiradeedu gaareyso Hal Milyan Dollar, iyagoona sheegay in Saabiriin Cabdulqaadir Isxaaq ay heyso caddeymo ku saabsan inay lacagtaas ay iyadu leedahay isla markaana ay u soo bandhigeyso ciidamada Booliska haddii loo baahdo.

AKHRISO Warar kale oo dheeraad ah

Ugu dambeyntii odayaasha beesha Muddulood ayaa ka dalbaday taliska Booliska inay sii daayaan xogheynta Saabiriin iyo wiil xoghaye u ah oo xabsiga la dhigay 18-kii bishan, iyagoo gabadha ganacsatada ah ay sheegtay inay heyso codad ay ka duubtay saraakiisha ciidamada Booliska ee ka howlgasha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.