Maxay tahay Ujeedka ka dambeeya inuu Madaxweyne Farmaajo Lacago fara badan ku bixiyo Tegista Maraykanaka?.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa dhaqaalo fara-badan ku bixinaya si uu u tago dalka Mareykanka, kulana ula yeesho Senatoro kamid ah Aqalka Sare ee Mareykanka.

Farmaajo ayaa Lacag dhan $150,000 oo dollar kaga iibsaday shirkad loobiga samaysa oo Maraykan ah oo lagu magacaabo ‘LFA Holdings’ inay kala shaqayso sidii uu Maraykanka ku booqan lahaa, kulana kulmi lahaa Senataro Maraykanka ah.

Ujeedada uu kulanka uu ka lee yahay Farmaajo ayaa lagu sheegay si looga badbaadiyo cunaqabatayn, kusoo wajahan xubno uu kamid yahay, ayna qeyb ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, kuwaas oo ku eedeysan qalalaase inay u horseedeen Soomaaliya.