Madxweyne Deni “Waxaan si cad u sheegayaa inuusan jirin dal aan xiriir la leeyahay..”

Garowe:-Saciid Cabdullahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo wareysi siinayey TV-ga Dalsan ayaa beeniyay in uu wax xiriir siyaasadeed ah la leeyahay dowladda Imaaraatiga Carbeed oo aad loogu xanto.

Madaxweyne Deni, oo su’aal laga weydiiyay, haddii uu xiriir siyaasadeed la leeyahay Imaaraadka? Ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya isaga iyo dowladda Imaaraadka, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan arrintaas.

“Waxaan si cad u sheegayaa in Siciid cabdullaahi Deni xiriir gaar ah oo uu dal adduunka ah la leeyahay uusan jirin, marka taasi ma jirto, dowlad goboleedyada Soomaaliya-na hade wax xiriir siyaasadeed ah si gooni ah u lama yeelan karaan wadan kale,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.