Dad iyo Danyeer kee. (Bal Aqri Qrmadaan)

Waqtigii Kacaanka Maadada “Biology” ee Dugsiyada Dalka waxaa lagu dhigi jiray ” theory of Evolution ” oo aheyd Arragtidii Mr. Jarles Darwin oo sheegeeysay in Dadku uu Daanyeer ka yimid , weliba Afrikaanka ayey ku sheegeen in uu Daanyeer u egyahay ( F.S: 1aad).
waxaan is barbardhigay Bushimaha Daanyeerka iyo kuwa Gaalada ( F.S:2aad). kadibna waxaan fiiriyay Bushimaha Afrikaanka ( F.S: 3, 4 & 5aad).
waxaa kale oo aan fiiriyay Tusaalena u soo qaatay Bushimaha Madaxweynaha Mareykanka, kan Faransiiska, R/W Ingriiska iyo Darwin laftiisa oo ahaa Ninkii aragtidaa keenay.( F.S: ,6,7,8, 9,10,11, 12, 13aad).
waxaa iska cad in uuna Dadku Daanyeer ka imaan, laakin iyagu ey Daanyeer iskula ekaadeen. Bushimahooda waxaa loo maleeyaa in Afkooda Sakiin lagu saray, Afrikaankuna waxa uu leeyahay Bushimo Qurxan oo caadi ah.
Codsi, Haddii weli Maadadaa lagu Dhigo Dugsiyadeena ha laga Joojiyo, kuwa Qurbaha joogana ilmahooda Runta ha u sheegeen oo Diinta iyo Asalka Dadka ha bareen.
Barja idin gal, ee Gaaladu been badanaa, ilmihii Nabi Adam CS ee Alla karaameeyay ayey leeyihiin Daanyeer ayaa tihiin. Shartooda ka cowdi billa.
Ogoow wax badan oo Aqoon lagaaga dhigayo oo Been ah ayaa ku jiro Manaahijta wax barasho ee Dalkeena gaar ahaan Taariikhda, Joqoraafiga iyo Seyniska, Ubadkaaga yaan yaraanta Maskaxda laga Xadin. kuweeyna waaweyna wax badan oo Been ah oo Cilmi nalooga dhigayo ayaa ku jiro Aqoonta guud, ilbaxnimada iyo Siyaasadda oo Mediyaha na loo soo marsiiyo, Yaan lagu ajarin oon lagu isticmaalin, waa iga tallo.
Qore : Yahya Amir