Ciidamo ka tirsan Gor Gor oo tababar ku qaadanaya Turkiga+Sawirro

Muqdisho:- Cutubyo ka tirsan Ururka 7-aad ee kumaandooska Gor Gor ayaa tababar heer sare ah ku qaadanaya magaalada Isbaarta ee Dalka Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa 9-ka bishii Maarso 2021, magaalada  Muqdisho ka sagootiyay Cutubkan ka tirsan Ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor ee tababar ku qaadanaya Dalka Turkiga .

Wuxuuna kula dardaarmay in ay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo cilmi iyo Aqoon ciidan soo kororsaday, wuxuuna Dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.