Gorfeynta “Godob iyo Gallad” ee uu qoray Georgi Kapchits


Godob iyo Galladwaa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebel ah sanooyinkii toddobaatameeyo eeqarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasiahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud looguaqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah lafgurigabuuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu kusaabsan yahay.

Afka buuggu waa mid hodon ah oo ku dhisan waxyaallahasifada u ah af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah maansada iyomaahmaahaha. “Godob iyo Galladwaxaan ka bartay:

Xalaal iyo xoog

Suu ku xero galo

Midna kuma xuma!

Meel xabbado badan

Oo rag ku xarbiyey

Ooy xinjiri taal

Xayaad ololaay.

Godob iyo Galladwaa qaamuus oo kale oo laga barankaro maahmaahaha xikmadda  qotata dheer leh ee abkii horelaga dhaxlay. Waxaa ka mid ah:

Adduunyada hawli kama dhammaato.

Allow, eexo ha nooga tegin, aqoondarro iyo ogaalxumanaha nagu cadaabin.

Aroos lagumana raago, lagamana raago.

Aqoon la’aaneey, dabkaa ba’.

Baroortu orgigay ka weyn tahay.

Booddo qoyaankaa lagu qabtaa.

Carrab iyo ilkana waa is qaniinaan.

Damiin far waa weynaa wax loogu dhigaa.

Degdegsiinyo door ma dhasho.

Dhib badanaa dad aad sugeysoon soo socon iyo marti aadsoortayoo aan kaa socon. Fallaartii cirka loo ganay cidwalbow filo.

Gari laba nin kama wada qosliso.

Geed walba in gubtaa hoos taal.

Geela waxaa leh ciddii uu mooradeeda ku xeroodo.

Geeri ma qarsoonto.

Geeriyi waxay ku fiican tahay geeljire iyo nin aadangaranaynin.

God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheeraynin, kudhici doontidaa ma ogide.

Isma hurtooy, hays hallayn.

Ka dar oo dibi dhal.

Kor waayeel waa wada indho.

La joojiyaa bannaan, la jiifiyaana bannaan.

Laba kala bariday kala war la’.

Magac laga miskiin ma aha.

Magefe waa Ilaah.

Masugto meher ma leh /ninkeeduna markhaati ma galo/.

Miskiin ayaa misko la koro leh.

Mukulaal mininkeeda joogto miciyo loibaax bay leedahay.

Nin la tumaa talo jirtaa.

Nin xil qaaday eed qaad.

Nimaan cabsan waa loo cabsadaa.

Oday oday loo waayay waa oday la’aan.

Qori iyo qaaciis waa laysla tuuraa.

Sabraa sed hela.

Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa.

Talo adaa ku nool ee iyada kuguma noola.

Waa adduunyoo nin walbaa tiisaa dabartay.

War jiraaba cakaaruu imaan.

Wareer cawo waa loo wada bariistaa.

Xaalku waa bude-qabe iyo biyo-qabe.

Xoorkii lagu dhamay xagaagiyo xasuus baa geela lagu xero geeyaa.

Inkastoon ku hawlan ahay ururinta iyo baaritaankamaahmaahaha Soomaaliyeed muddo konon  sano ah in ka badamn, haddana qaar ka mid ah kuwii aan kula kulmayGodob iyo Galladweligay iyo waaqay mana arag.

Waxaan si gaar ah ula dhacay waxa afka qalaad laguyiraahdo IDEOPHONE (jaf, jug, shib ku wad) oo ay weheliyaan falalka kala ah dhihi, oran, lahaan iyo siin eebuuggani ay ka buuxaan:

dhulka BALAQ bay ku tiri

albaabkii BIIB buu ka lahaa

afka BULBUL buu ka siiyey

miiska BUUG-BUUG buu ka siiyey

DAF buu soo yiri

qosol yar intuu DHAG-DHAG ka siisay

qolkii DALAQ bay tiri

waxayna DIG soo siisay Xaaji Axmed

albaabkii FAK baa la siiyey

FATAQ baa lagu siiyey fatuuraddii

FIIQ bay tiri fatuuraddii

FUD buu ka soo yiri

GADDOON buu ka yiri gurigii

burriskiina miiska GAW-GAW buu ka siiyey

dhulka HABAQ bay ku tiri

qolka HAW buu ka soo yiri

indhihiisa ilmo ayaa ka HIBITIQ lahaay

intuu JAF ka yiri

dhegse JALAQ uma siinin warka gebertiisa

tusbaxana JALAW-JALAW buu ka siiyey

afka JUG buu isku dhahay

albaabkii JUGJUG buu ku soo siiyey

rabtay fadhay ayuu JUS ka soo yiri

JUUQ baa la yiri

JUUQ iyo JAAQ midna ma laha

KUB hayga soo siin

indhaha KULUC ayuu ku siisay aabbaheed

indhaha QAC buu ku siiyey

SHIB dheh

Indhihiisu ilmo baa ka TIBIQ lahayd

XAF bay siisay

Afguriga ay ku hadlaan jileyaasha buuggu waa mid Banaadiri ah, gaar ahaan, nooca u gaarka ah Muqdisho. Tusaalooyin dhowr ah aan ka bixiyo:

igaar

unuka

minan

beeso

mug

seddax

ma ahan

hayabe na kicihee

ma imaahaayo

waan isla socodsiiheynaa

hadhow aan casheeyhaahe

xaa loo xiray?

wixii aad jirisiin ma weysiin

waxaw sheegto waa sii haynaahe

xaalkaada sow yahay?

Xaan hee yeelnaa hadda?

Godob iyo Galladdulucdeeda haddii la soo koobo waatan: laba wiil oo mid ka mid ahi uu reer magaal yahay, midkakalana uu miyi ka yimid oo intii la xiray ayaa lagu eedeeyeydembi aanay gelin oo ah in ay dileen gabar ay isku deyeen in ay kufsadaan. Wiilka reer magaalka ah aabbihiis aad buu u murugsanaa, mar hadduu garan waayay wuxuu u qaban karilahaa wiilkiisa. Tan iyo maalintii wiilkiisii la xiray aabbihiiswaxaa ku dhacay belooyin kale oo farabbadan oo uu kuucaloolgubyooday: gurigiisii waa la dhacay, afadiisii waa ay kataktay, shaqadiisiina waa ay ka luntay. Hase yeesheegargaarkii uu ka helay laba qof oo hufan ayuu dib u soonoolaaday. Wiilkiisii waa la sii daayay, marwadiisii waa aysoo noqotay, shaqo ka wanaagsan tii laga eryayba ayuu helay.

Godob iyo Gallad”  waxyaallo bandan oo aan la sookoobi karin ayaan ka faa’iideystay, aqoonta uu qoruhu u leeyahay nidaamka caddaaladdu siduu ahaa waqtigiiSoomaaliya uu maamuulayay Maxamed Siyaad Barre aadbaan ula dhacay.

Haddii wax laga taataabtana iimaha buuggu uu leeyahay, tiradoodu ma badna. Marka ugu horreysa, aniga haddaan ahayakhriste ku hanaqaaday suugaanta Ruushka, gaar ahaanqisooyinkii ay qoreen Leo Tolsto, Fiyodor Dostoyevski iyoAnton Jekov ayaa waxaanGodob iyo Galladka waayayjileyaal aan sahlanayn oo dabiicaddoodu ay mideyso astaamowanwanaagsan, kuwo dhexdhexaadi ah iyo kuwa aan lagufaani karinba.  Dadka uu ka hadlayana qoraagu laba nooc  bayu kala baxaan: kuwa wada qumman iyo kuwa wadaqalloocanba. Ilama aha in dadka caynkaas oo kala ahi ay kubadan yihiin Soomaalida.

Taa waxaa weliba u sii dheer in “Godob iyo Galladaanay ku yarayn gefaf xarfoqoraal ah oo dhibaya ishaakhristaha kala garan og eray si sax ah u daabacan iyo mid dadbanba. Inkastoo ay sidaasi tahay, haddana aad baanuga helay Xuseen M.Cabdulle (Wadaad) buuggiisa. Kaddibmarkii aan akhristay boggii ugu dambeeyey Godob iyoGalladsi uu madluni ku jirto baan isu iri: “Ninyohow, waa ay kuu dhammaatay booqashadii la-yaabka lahayd ee aad kujoogtay Muqdisho aadan hore u ogayn.

Georgi Kapchits

Moosko

18.04.2021