Xalka miyey qeyb ka yihiin, mise Xasilooni darida?=Faallo=

Labadaan Nin, Ninka la yiraa: Francisco Caetano Jose Madeira, Somaliduna ey u taqaan Mr. Madera oo ah ergaga gaarka ah ee AU uga wakiilka ah Somaliya iyo Mr. James Swan oo ah ergaga gaarka ah ee Somaliya uga wakiilka ah UN.
Dhab ahaan wakiil ma ka yihiin AU iyo UN mise waxa ey matalaan dano Dowlado iyo Shirkado gaar ah oo ey ka dhax arkeen maslaxadooda, kuwaa oo suura galiyay in loo soo magacaabo Somalia ?.
Nin waliba waxa uu gadaashiisa dhigay Calanka Somalida ( F.S: 1 & 2aad). Somaliduna waxa ey leedahay na heshiisiinta, kuwa ey wakiila ka yihiin qaar ayaan rabin in Somalidu heshiiso. Annaguna arrinteena waxaan u wakiilanay Ajaanibtaa aan weliba Muslimiin aheyn oo aan talo saaranay.
Adaa yaabi doonee, isku day in aad wax badan ka ogoaato, Howsha Xalane ka dhax socoto. Aniga oo Hore u yaabanaa ayaan Maanta Fajac iyo Anfariir ka qaaday markii aan ka war helay qeyb aad u yar oo ka mid ah Xaaladda Dhabtaa. Hadda ayaanba u sii wakiilanay oo aan wallo u dhiibanay Macalimiintoodii. Sidaan u wareeray ha u wareerine aan Duco iyo Dadaal isku darno.
Allow na badbaadi, kuwii wadada nalagu hogaaminayo ogaado naga dhig.
Qore: Yahya Amir