Ururka Midowga Africa oo ka shiraya Xaaladda siyaasaddeed Soomaliya.

Muqdisho:-Gollaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa maanta shir ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaliya ka dib codsigii madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahaa in ay fududeeyaan hanaanka doorashada si muwaadiniintu u doortaan wakiiladooda siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhowaan tagay dalka Kongo halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaas Felix Tshisekedi sidoo kalena haya xilka meertadada ah ee Midowga Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 bishan Abril meel mariyay sharciga jiheynta doorashada dalka, ka dib markii maamulada Puntland iyo Jubaland ay diideen in doorasho lagu galo heshiiskii 17 September oo  dhinacyada oo dhan wada saxiixeen.