Puntland:”Waxaan qaadi doonaa tallaabo hadii aan miiska wadahadalka la isugu soo laaban..”

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray tallaabadii muddo kordhinta ee Golaha Shacabka baaralamaanka Soomaaliya u sameeyeen dhawaan hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya,ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ahayd sharci darro ayna ka soo horjeedaan.

Qoraalka Puntland ay soo saartay waxaa lagu sheegay in hannaanka kaliya ee heshiiskii lagu yahay uu yahay heshiiskii 17 -kii September si loo qabto doorasho iyagoo muujiyay in loo baahanyahay in la xaliyo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaas.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa saxiixayaashii heshiiskii -17 September ee 2020-kii Saamilayda siyaasadeed iyo wakiillada beesha caalamka ee daneeya horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya in miiska wadahadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsiyaha badan si loosoo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed loogana hortago khal-khal amni iyo burbur dowladnimo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka Puntland.

Maamulku ayaa ku goodiyay inuu tallaabo qaadi doono haddii ay dhici waydo in miiska wadahadalka la isugu soo laabto isla markaana ay la wadaagi doonaan go’aannada ay qaataan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.Puntland ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira .

Mowqifka maamulka Puntland ee muddo kordhintii Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay u sameeyeen hay’addaha dolwadda ayaa imaanaya iyadoo horey arrintaan ay uga soo horjeesteen maamulka Jubaland, Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyagoo dhamaantood ku tilmaamay in tallaabada Golaha Shacabka ay tahay sharci darro.

Madaxwayne Farmaajo

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri Heshiiskii 17 September yaase diidan?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo waraysi siinayay Tv-ga Shabelle ee xaruuntiisu tahay Muqdisho ayaa dhankiisa ku eedeyay maamullada Jubaland iyo Puntland in shirkii natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ugu dambeyay ay ku soo bandhigeen maamullada JUbalnd iyo Puntland shuruudo cusub isla markaana ay diideen heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September oo ay ku sheegeen inuu dhacay oo wakhtigiisa laga gudbay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay waxa ku kalifi kara inay sidaa dhahaan maadama ay horey u saxiixeen ayaa sheegay in aysna rabin in doorasho ay galaan.

“Waxaa ku kalifi karay saan is leeyahay ma rabaan in ay galaan doorasho xaqiiqatan, maxaa yeelay markii aad loo murmay waxay waxay soo istaageen September 17 maaha sax September 17 waa dhacay wakhtigiisii” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Mr Farmaajo ayaa sheegay in Jubaland iyo Puntland ay ku tala galeen in shirka ay fashilayaan oo aaney dooneyn in la gaaro heshiis wada jir ah si loo aado doorasho maadama ay soo kordhiyeen shuruudo cusub oo qaarkood laga aqbalay qaarna aaney sharci ahayn .

.

Mowqifka dowladda ee muddo kordhinta

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo BBC-da u warramayay dhawaan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli ku dheggan tahay xeerkii jihaynta doorashada ee uu Golaha Shacabka ansixiyay 12-kii bishan.

“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal,” ayuu yiri wasiir Maxamed oo intaas ku daray: “Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal furan oo hadda socda oo xal loogaga gaarayo khilaafka, hasayeeshee waxa uu soo dhaweeyay in Midowga Afrika uu dowr fududayn ah ku yeesho arrinta doorashada Soomaaliya.

Xigasho:BBCSomali