Koox hubeysan oo magaalada Muqdisho ku ilay Dr. Buurane.

Koox hubeysan ayaa goordhow xaafada Al-Barako ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay ku dileen Dr Xasan Cismaan Ciise Dr Buurane, oo ahaa dhakhtar ku takhasusay cudurada Maqaarka.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, lamana oga sababta ay u dileen Dhaqtaarkaasi magaca wayn ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka Dr. Buurane.

Dhanka kale ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay masuuliyada dilka loo geystay Dr Buurane.