DEG DEG: Muwaadin Soomaaliyeed oo Daqiiqado ka hor lagu dilay Dalka K/Afrika. (Magacisa)

ALLAHA u Naxariistee Walaal Saa’im Soomaaliyeed ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi loona yaqaanay Farmaajo, ayaa goor dhow lagu dilay Tuulada Khayelitsha oo katirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.


“Marxuumka oo lagu dilay gudaha Dukaankiisa, qeybta Tiilka macaamiisha laga caawiyo, ayaa waxaa suurtagashay in Gacan ku dhiiglihii dilay oo Madow South African ah isna isla goobta lagu toogtay, Labada Meyd waa ay is dhinac yaalaan hadda Booliska ayaana ku hawlan baaritaanka sidii ay wax u dhaceen” waxaa sidaasi ii sheegay mid kamid ah ehelada Marxuumka.

Beegsiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa, ayaa kordhay ee aan Walaalkeen u Ducayno Walaalayaal waa Bil Ramadaane inuu ILAAHAY Janada ka Waraabiyo.

Abdulrazak IndhaJaceyl.