Xildhibaano ku baaqay in loo gurmado dad ku dhibaataysan duleedka Dhuusamareeb+Sawirro

Muqdisho:- Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Dhuusamareeb ayaa gaaray deegaano tirsan  Waqooyiga Gobolka Galmudug.

Ujeedka Xildhibaanadan ayaa waxay tahay u kuur gelida xaaladda ay ku nool yihiin dadkii billo ka hor ka soo barakacay dagaaladii deegaanka Xananbuure, kuwaas oo halkaas deegaansanaya.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa ku baaqay in dadkan dhibaataysan oo muddo ka maqnaa guryahooda la soo caawiyo.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in dadkani Duruufo ku qasabtay in ay Kaam, galaan ayna u baahan yihiin Gurmad in loo sameeyo.