Telefishinta Qaranka Soomaaliya oo tiray warkii ku saabsanaa geerida madaxweynaha Chad.

Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa tiray farriin uu soo dhigay bogga facebook oo ku saabsanayd dilka madaxweynaha Chad.

Qoraalka waxaa cinwan u ahaa, “Madaxweynihii Chad muddada dheer xukumayay ee Idriss Deby ayaa la toogtay”. Ma cadda sababta loo tiray qoraalkaas, uu baahiyay SNTV.

Telefishinka ayaa markale soo dhigay qoraal ka duwan midkii hore oo la xiriira geerida Madaxweynaha Chad.