Madaxwaynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo ku gaaray Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, halkaas oo uu kulan kula qaatay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa dalka ku soo dhaeeyay qaar ka mid Madaxda Dalka iyo Dadweyne, waxaana lagu wadaa inuu guda galo sidii uu wax uga qaban lahaa arrimaha Siyaasadeed ee cakiran, iyadoo laga sugaayo sii uu uga dhabayn lahaa Balamo inta uusan dalka ka tagin la galay Beesha Caalamka iyo Wadamada Daneeya arrimaha Soomaaliya.