Faah Faahin: Guddoomiye ku xigeenkii Siyaasadda ee degmada Dayniile oo qarax lagu dilay.

Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii Siyaasadda ee degmada Dayniile ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarax  miino oo lagula eegtay Xaafada Daarasalaam, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Maamulka Degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Maxamuud ayaa qarax miino lagula eegteen xaafada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahyd markii uu qarax nuucaan oo kale ah uu ka badbaaday xoghayaha Degmada Dayniile oo asagana lagula eegtay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Degmada Dayniile.