Deni oo cafis u fidiyay 66 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis u fidiyay 66 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiyada Maamulka Puntland.

Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu cafiyay maxaabiistan oo danbiyo kala duwan loo haystay inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.