K/ Afrika oo wada qorshe lagu xalinaayo mudaharaadyada ay samaynayaan magangalyo-doonka iyo qaxootiga.

Wasiirka HOME AFFAIRS-KA ee Dalkani Koonfur Afrika Dr Aaron Motsoaledi, ayaa Warbaahinta la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalada lagu xallinayo mudaharaadyada ay samaynayaan magangalyo-doonka iyo qaxootiga, kuwaasi oo sanadkii hore la dajiyay Teendhooyin owdan oo ku kala yaalla Xaafadaha Bellville iyo Kensington ee Magaalada Cape Town.

“UN-ka waxaan isku afgaranay kulan toos ah oo aan yeelanay 15-kii bishan April in gabi ahaanba laga saaro xerooyinkan sida KMG-ka ah aan horey ugu dejinay Qoysaska Qaxootiga ah, anagoo QM si cad ugu sheegnay inay muddo 3 Bilood gudahood ah ay Guryo ay dagaan u raadiso Dadkani kirooyinkana ka bixiso Sedexdaas Bilood” ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray “waxaan xaqiijinayaa in Dal 3aad oo loo qaadaayo uusan jirin haba yaraatee – Qofkii joogaya dalkeena Welcome kii go’aansadana dalkiisa ayaan dib ugu celinaynaa, saacado uun kahor 119-ruux ayaan dalkooda dib ugu celinay, halka 390 kale ay iminka dalbadeen”.

Dadkani magangalyo-doonka ah oo ay tiro Soomaali ah ku jiraan, hase ahaatee u badan Congolese iyo Burundi, ayaa sanadkii hore banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in Wadan kale looga sameeyo dib u dejin ka dhigay fagaaraha Market Square ee Cape Town, taasoo qasabtay in maadaama ay haween iyo caruur ku jiraan loosoo kala raro Kaamam cusub si ay u helaan Hoy iyo cuno.

Wasiirka HOME AFFAIRS-KA masoo hadalqaadin xilliga dib loo furi doono Xarumaha bixinta Sharciyada maadaama ay Kumaankun oo Qaxooti ah ay Sharciyada ka dhaceen intii lagu guda jiray Xayiraadda Koroonaha, hase ahaatee Shir Jaraa’id oo midkan oo lamida ayuu ku shaacin doonaa WAQTIGA RASMIGA AH EE HOME AFFAIRS-KA LA FURI DOONO.

Abdulrazak IndhaJaceyl.