Dab ka kacay Dhowr dhisme oo ku yaal Xarunta Jaamacadda UCT.

CAPE TOWN:-Xarunta Maareynta Khataraha & Musiibooyinka ee Magaalada Cape Town, ayaa sheegaysa in dadaallada ay wadaan lagu xakameynayo dabka dhirta ku gubanaya buurta ka sarreysa Jaamacadda UCT oo ka mida Jaamacadaha ugu waaweyn oo ay Arday Soomaaliyeed ka mid yihiin Kumanaanka Arday ee wax ka barta UCT, kuwaasi oo qaarkood laga daadgureeyey halkaasi.

Afhayeen lagu magacaabo Charlotte Powell wuxuu sheegayaa in magaaladu ay ku howlan tahay dadaal dab-damis firfircoon oo ay la socdaan Table Mountain National Park iyo Volunteer Wildfire Service.

Magaalada waxay la shaqeyneysaa jaamacada si ay isugu dubarido hoy kale oo loogu talagalay ardayda ay saameysay ee la daadgureynayo.

Laba ka mid ah shaqaalaha dab-damiska ayaa loo qaaday isbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo gubtay. Dhowr dhisme oo ku yaal Xarunta Jaamacadda UCT ayaa gubanaya, maqaayada ku taal Rhodes Memorial waa la burburiyey halka Mostert’s Mill ee Mowbray ay gubatay.


Abdulrazak IndhaJaceyl