Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo maxaa ka soo baxay Kulankooda?

Muqdisho:-Waxaa maanta teendhada Afisyooni ee xerada Xalane ka furmay shir u dhexeeya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo wakiillada Beesha Caalamka, kaas oo aan qabsoomidiisa horay loo sii shaacin.

Shirkaan ayaa la sheegay inuu daba socdo kulan dhawaan dhex maray wakiillada beesha caalamka iyo ergo uu madaxweyne Farmaajo u dirsaday, kuwaas oo kala hadlay mudo kororsigii dhawaan dhacay, taas oo keentay in Farmaajo maanta looga yeero Afisyooni, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo u dhaw madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweynaha la wadaagi doonaan go’aankooda ku aadan dooda ka dhalatay mudo kordhinta loo sameeyey.

Beesha caalamka ayaa horay u cadeysay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah ama mudo kororsi, balse Farmaajo oo iska indha tiray baaqaas ayaa dhawaan sameystay mudo kororsi laba sano ah.

Gabagabada kulankaan waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulan gaar ah la qaadan doono safiirka la bedelay ee Mareykanka Donald Yamamoto, kaas oo dalkiisa ku laaban doona.

Xaaladda dalka ayaa cakirantay, khalkhal xoog leh ayaa soo wajahay ammaanka Muqdisho, mucaaradka ayaa la sheegayaa inay si xowli ah u iibsanayaan hubka, waxaana laga cabsi qabaan inay caasimadda ka bilaawdaan isku dhacyo burbur u hor seeda Soomaaliya.