Shil gaari oo sababay dhimasho iyo burbur hanti oo ka dhacay Gobolka Nugaal.

Muqdisho:-Shilka Gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa  xalay  ka dhacay inta uu dhaxaysa Garoowe iyo Dangoroyo,kadib markii ay isku dhaaceen gaari xamuul ah iyo mid kale oo kuwa raaxada ah.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilka ay ku dhinteen Nuur Jaamac Aadan oo ahaa Weriye Caan ka ahaa degaannada Puntland , hooyadiis iyo walaashiis, kuwaa oo dhamaantood wada saarnaa hal gaari.

Ciidamo ka tirsan maamulka  Puntland iyo dadka degaanka ayaa gurmad ay sameeyeen kadib waxay goobta ka qaadeen meydadka Saddexda Ruux, kuwaas  oo meydadka geeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shilalka gaadiidka kala duwan ayaa mmalmihii la soo dhaafay ku badnaa degaannada  Puntland, kuwaa oo loo sababeeyay burburka waddooyinka iyo darawalada qaar oo si xowli ah u wada Gawaarida.