Golaha Wakiilada Puntland oo ka soo horjeestay muddo kordhinta madaxweye Farmaajo.

Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa dood-dheer ka dib qaadacay muddo kordhinta ay sameysteen Golayaasha Dawladda Federalka Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday.

Kulan ay Maanta yeesheen Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa xaadiray 52 mudane, waxaana cod loo qaaday muddo kordhinta diiday 49 mudane hal Xildhibaan ayaa diiday halka ay ka aamuseen laba mudane.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa Xildhibaannada Warbixin ka siiyay shirarkii fashilmay ee looga hadlayay doorashooyinka ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.