Adiguba Caqlaad leedehee Maxaad ku cabiri leheyd?

1. Gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Dameeraha ayaa Shir deg deg ah isagu yeeray Xildhibaanada Damacu ka hayo muddo Xileedkii ka dhamaaday kuna riyoonayo in loo kordhiyo.(F.S: 1aad).
2. Furitaankii ayaa Afhayeenka Barlamaanka Dameeruhu amray in ey Gacanta taagaan inta ogol Muddo kordhin Laba Sanno ah, Haddii Tirada loo baahanahay la gaari wayana in uu isagu Afkiisa ku dhameystiri doono Tirada dhiman.( F.S:2aad).
3.Waa in aan u Codeeyno Muddo Xamaal Laba Sanno ah oo aan Xoolo nalagu siineyn, Xil xumaadana naga Raacayo.
4. Libaaxyo ayaad tihiin, Ha cabsanina.( F.S: 3aad).
5. Arrintaan Xattaa Daanyeer waa lagala tashaday.( F.S: 4aad).
6. Afhayeenka Beel weynta Guud ee Wakiilada Dameerada ayaa yiri: wax kale haka fikirin inta kuu muuqato ku ekaaw, Anigaana Shidaal kugu shubanayo waan ogahay in aadan leheyn Damiir aad ku diido.( F.S: 5& 6aad).
7. Lama kala maqneeyn Dhamaan Muun, Aal Iyo Beyr. waxaa Hadalkii la siiyay Xildhibaanka ugu Cayilan- Butis, Qaliiroos, Daboole, madaxeey iyo Qooreey. ( F.S: 7, 8, 9, 10 & 11aad).
8. waxaa kale oo Maalintaa ka hadlay Xildhibaan Cija weyne, Cirid weyne iyo Cirba weyne oo Maalintaa si fiican u labisnaa.( F.S: 12,13 & 14aad).
9. Bishaaro iyo Digniin, waxaa jiri doonto Doorasho hal Cod iyo Hal Dameer ah, lamana ogolo in Cid kale loo codeeyo.( F.S: 15, 16, 17, 18, 19, 20, & 21aad).
10. Waa Go’aan Taariikhi ah, intii u codeysanna waxaa loo dhisi Doonaa Taalooyin sidaa Geesiyaashii hore.( F.S: 22aad).
11. Mudane: Xildhibaan Xusuus, ayaa meel gadaal ah Gacanta ka taagay. waxa uuna yiri:.
Su’aal iyo Aragti taa ka duwan ayaan qabaa. waxaa lagu yiri: ku soo dhawoow Macroofanka, markii uu yimid makrofankii ayuu yiri: iga Raali ahaada Su’aashii waxaan hilmaamay intii aan soo socday. Laakin horta maxaan Halkaan u imid?, Run miyaa in aan Xildhibaan ahay?.( F.S: 23aad).
12 . Xildhibaanadii Da’da yarta ahaa ee laga tirada badnaa, kana Fikir Duwanaa, Taageerayaasha Muunka weyn, ayaa meel gooniya iska fadhiistay.( F.S: 24aad)
Gunaanadkii.
13. Xogheynta ayaa la amray in Sharciga iyo Dastuurka lagu rido Sanduuqa Qashinka. ( F.S: 25 & 26aad).
14. in Rabitaanka Dawaco la qaato, Dawaco waa daacad Dal jaceyl ku caan baxday, lana Aamini karo.( 27aad).
15. Taageera yaal, Saraakiil, Gudoomiyayaal iyo Agaasimayaal badan oo Lugaha isaga wada xiran ayaa diyaar ah, lagamana yaabo in ey Xargaha iska fur furaan. (F.S: 28aad).
16. Hana ka shakina Shantaa Marax weyne ee la sheeg sheegayo, Labo arrintooda waxaan kala tasheynaa Saaxiibadeena Deriska ah , Saddaxda kale waxaan ku durnay Cirbadda ” Dhoohan 13 & Vitamin MK Qaraaba gooy”. Marax weynayaashii hore iyo Muran Shaxiinta kale, Shillimaad Shacabkooda laga qaaday ayaan ku shibineynaa, kii diidana Shanta ayaa la iskula tagayaa, Isma Hubee Alloow na Mooti Labadaan sanno (F.S: 29,30 & 31aad).
17. Nabadgalyada Xarunta waxaa lagu Aaminay Ciidamo wadaniyiin ah oo aan naga Garaad rooneyn, Allow eyna wax nagu fahmin, Maalintii ey fahmaan ayaa khatar ah. ( F.S: 32 & 33aad).
18. Go’aankaan looma gudbinayo Aqalka Fardaha si eyna uga hor imaan.
19. Farxad ayaa lala wada qoslay, laakin Ciridkii Dameeraha ayaa la kala garan waayay, waxaana loo yeeray Dr. Gadiid oo ah Dhakhtar bartay Cilmiga Xanaanada Xoolaha Kuna takhasusay Cilmiga Ciridka iyo Qosolka Dameeraha , kaa oo Cadeeyay Cirid kasta Dameerka leh. Adigu, Ma jiraa Cirid ku xasuusiyay Mudane Dameer aad taqaan. ( F.S: 34, 35, 36, 37, 38, 39 & 40aad).
FG: Ha iga Raali ahaadeen Dameeraha ku nool Dalka Guud ahaan, Haddii aan ku matalay Xildhibaano ka wax tar yar.
Qore: Yahya Amir