Nigeria: in ka badan toban qof oo ku dhimatay isku dhacyo u dhaxeeya laba qowmiyadood

Nigeria:- Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaal u dhaxeeya laba qowmiyadood oo wada deggan gobalka Gombe ee waqooyi-bari Nigeria.

Guddoomiyaha gobalkaas Inwa Yaxya ayaa u sheegay warbaahinta in qowmiyadaha Longoda iyo Wagga isku dagaaleen deegaanka Palanga oo ka titsan  gobalka Gombe.

Guddoomiyaha  ayaa intaas ku daray in labada dhinac iska dileen 15 qof, sidoo kalena aya iska dhaawaceen dad tira badan.

Maamulka gobalka ayaa soo rogay badnow si loo sugo amniga deegaanka loona joojiyo colaadda u dhaxeysa qowmiyadaha wada dega  gobalka Gombe.

Isku dhacyadaan ayaa sababay in dad badan ka qaxaan deegaanka, iyagoo ka walwal qaba inuu sii ballaarto dagaalka u dhaxeeya labada qowmiyadood.