Ururada bulshada rayidka oo ka soo horjeedsaday mudda kordhintii madaxwaynaha.

Ururada bulshada rayidka ee dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan muddo kordhintii ay madaxwayne Farmaajo u sameyeen golaha shacabka.

Bayaan ay soo saareen isutaga ururada bulshada rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabadii ay shalay qaadeen golaha shacabka taasi oo ay sheegeen in ay liddi ku tahay heshiiskii 17 ee ay ansixiyeen isla baarlamaanka.

Bulshada rayidka ayaa waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda fedaralka inay wadahadalada sii wadaan.

“Bulshada rayidka waxay ugu baaqeysaa duubabka Soomaliyeed, odoyaasha dhaqanka, culumo u diinka, wax garadka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaliyeed inay u istaagan sidii wadahadalada dowladda federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federalka loo sii wedi lahaa si dalka doorashooyin laysla ogol yahay uga qabsooman” ayaa lagu yiri bayaanka bulshada rayidka.