Puntland oo soo dhaweysay ciidamo ay sheegtay inay ka soo goosteen dowladda fedaraalka.

Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay ciidammo sida ay sheegeen, “ka soo goostay” dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo tabbaro ku soo qaatay dalal dibedda ah, sheegayna inay halkaa uga yimaaddeen “faquuq” ay la kulmeen ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo.

wasiirka amniga Puntland Cabdi Samed Maxamed Gallan oo ku sugan magaalada Gaalkacayo, ayaa BBC u sheegay in askartan guud ahaan soo gaartay deegaanada Puntland ay tiradooda dhan tahay 40 askari oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Saraakiishu waxay noo sheegeen in tiro ahaan ay ahaayeen 120 tababarka galay afartameeyo ka mid ah-na ay go’aansadeen markii ay arkeen xaaladihii ay kala kulmeen meelihii la geeyay iyo masuuliyiintii ay la kulmeen aysan ku qancin nidaam ahaan waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabmaan Puntland oo markii hore ahaa deegaankii laga keenay, ayuu yiri wasiir Cabdi samad.

Ma jiro ilaa iyo imika warar ka madaxbanaan maamulka Puntland oo xaqiijinaya in ciidamadan ay ka soo goosteen kuwa dowladda fedaraalka.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha dowladda fedaraalka oo ku saabsan arrintan.