Madaxweyna Farmaajo oo darajadii ciidanka kaga qaaday Taliyihii hore ee Booliska G/Banaadir.

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sido kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.