Jarmalka oo ka hadlay muddo kordhinta loo sameeyay dowladda

Jarmalka ayaa sheegay in qaraarka lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaaliya inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si heshiis looga gaaro khilaafka harreeyay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.