In ka badan 15 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Balcad.

Ugu yaraan 17 qof oo rayid ah ayaa dhintay kadib markii gaari kuwa dadweynaha ah oo ay la socdeen ay miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe galinkii dambe ee maanta sida laga soo xigtay booliska magaalada Balcad.

Afar qof oo kale oo iyana dhaawacyo culus ka soo gaareen qaraxa miinada ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho.