Doorashada Soomaaliya: Madaxda Soomaalida ma lagu khasbi doonaa inay ku laabtaan teendhada afisyooni?

Tan iyo markii uu Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ansixiyay qaraar uu muddo labo sano ah xilka ugu kordhinayo dowladda, waxaa meel aad xasaasi au ah gaartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyadoo hadda khilaafka doorashada u dhidibada sii aasanayo.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada afisiyoone ayaa natiijo la’aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.

Fadhi uu Baarlamaanka Soomaaliya yeeshay maalintii Isniintii ayuu ku go’aamiyay in muddo kordhin 2 sano ah la siiyo madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo waqtigii xilka uu ka dhammaaday 8-dii bishii February.

Madaxwayne Farmaajo ayaa xalay isna saxiixay qaraarka mudda kordhinta ee ay baarlamaanka meel mariyeen, taasoo ahayd tallaabo la wada filayay.

Hase yeeshee, go’aanka baarlamaanka waxaa ka so horjeedsaday dhinaacyada siyaasadda Soomaaliya iyo dalalka beesha caalamka qaarkood.

Halkee meesha imika la joogo looga dhaqaaqayaa?

Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya mid walba wuxuu ku adkeysanaya mowqifkii uu ka taagnaa arrimaha doorashada iyo hannaanka ay u qabsoomayaan.

Madashada badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ka soo horjeeda mudda kordhinta iyo qaabka ay dowladda fedaraalka doonayso in doorashada loo qabto.

Adaan Xasan oo ah cilimi-baare arrimaha geeska Afrika ku xeel dheer ayaa rumeysan in ugu dambeyntii dhinacyada Soomaalida ay wadaxaajood isugu iman doonaan.

Mr Xasan ayaa intaa ku daray in waxa mar walba loo laaban doono uu noqonayo heshiiskii 17-kii september.

“Doorashada safar dheer ayay soo martay marka la soo aruuriyo waxaa la dhihi karaa waxaas oo dhan ayaa waxay albaabada u fureen in uusan xal kale jirin oo aan ka ahayn xalka loo yaqaano heshiiskii la gaaray 17 September,” ayuu yiri Aadan.

Aadan Xasan ayaa sheegay in beesha caalamka iyo wax garadka Soomalaidaba ay isku raacsan yihiin in la dhammeystiro wixii ka harsanaa in heshiiskii 17 September.

“In wixii ka dhimanaa (Heshiiska) la dhameystiro isagana lagu socdo xal aan ahayn ayay beesha caalamka iyo dadka wax garadka ah-ba ma hayaan, kaas unbay isku raacsan yihiin,” ayuu intaa ku daray.

Madaxda dowladda fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada

Suuragal ma tahay in wadaxaajood dib loogu laabto?

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in wadaxaajoodyada dib loogu laabto si doorasho loo qabtom, waxayna ka fal celiyeen tallaabada muddo kordhinta oo ay ku tilmaameen mid aan loo baahneyn.

Dalalkan oo Soomaaliya ka caawiya kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinaca diblomaasiyadda ayaa rumeysan in ay suurgal tahay in marka ay madaxda Soomaalida dib isugu soo laabtaan mar kale wadaxaajood al furo.

Aaadan Xasan ayaa sheegay in hadda xiisaddu ay kacsan tahay laakiin wali xal la gaari karo.

“Waa la isku imaan karaa waa laga tashan karaa laakiin waa in niyad sami iyo niyad wanaag ay jirtaa,” ayuu yiri.

“Hadda sida ay tahay arrinta xiisadda ayaa sare u kacday laakiin wax aan la isaga imaan karin ma laha waqti walba waa la isu tanaasuli karaa, wax aan laga tashan karin oo ay maanta rag ku kala tagaan oo wadan lagu burburiyo ma laha,” ayuu yiri.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa ka tagay magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen dhowr isbuuc, inkastoo shirkii ay u tageen uusan yeelanin wax natiijo.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka fikir duwan madaxweyne Farmaajo marka ay timaado arrinta doorashada, khilaafka ugu weynna halkaas ayuu salka ku hayay.

Laakiin saddexda maamul goboleed ee kale – Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed – ayaa u muuqday inay diyaar u ahaayeen wadahadalka ayna ma mowqif duwan yihiin Puntland iyo Jubaland.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Dowlada Farmaajo ma ka maarantaa beesha caalamka

Dowladda fedraalka ayaa marar badan uga digtay beesha caalamka in ay soo faragaliyaan arrimaha Soomaaliya.

Waxay dowladda ku adkeysanaysaa in arrimaha masiiriga ah ee Soomaalida go’aan ka gaaristooda loo dhaafo madaxda Soomaalida.

Beesha caalamka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay ugu wayntahay arrimaha dhaqalaha.

Su’aasha ay dad badan is waydiinayaan ayaa ah, ‘haddii beesha caalamka iyo dowladda fedaraalka ee Soomaaliya uu xiriirkoodu xumaado, ma isku filan tahay Soomaaliya?

Waqti xaadirkan, dowladda Soomaaliya iskuma filna haddii ay beesha caalamku ka goosato dhaqaalaha, sida uu qabo Cilmi Baare Aaadan Xasan.

“Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya marnaba kama maaranto taageerada beesha caalamka, xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo xag amniba,” ayuu yiri.

Diidmo cad

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si cad u diiday in muddo kordhin loo sameeyo dowladda iyo baarlamaanka, waxayna ku baaqeen in miiska wadahadalka dib loogu laabo.

Bayaan ay soo saareen Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka ayay dhammaantood ku sheegeen inay didb u eegi doonaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka taakulo ee ay Soomaaliya siiyaan.

Waxaa kale oo reer Galbeedku ay sheegeen in ay ka fiirsan doonaan cunaqabateyno ay soo rogi karaan.

Beesha Caalamku ma khasbi kartaa Soomaaliya?

Madaxda ku shireysa Dhuusamareeb

Dr Cbadiwahaab Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika ayaa BBC-da u sheegay in hadda Soomaaliya lagu leeyahay talo oo kaliya.

“Soomaaliya barigii hore waa la maamuli jiray. Waa loo yeeran jiray, waxaan sameeya iyo waxaan lama oggola ayaa la oran jiray, laakiin laga soo billaabo 2012-kii Soomaaliya waxay noqotay dowlad jirta oo joogto ah masiirkeeda iyo go’aankeedana waxay u taallaa umadda Soomaaliyeed, beesha caalamkuna way la talinaysaa oo kaliya, sidii ay wax ugu yeerin jirtay uguma yeerin karto,” ayuu yiri.

“Doorka beesha caalamka lama inkiri karo, laakiin dowladda Soomaaliya waxay talooyinkeeda ka qaadaneysaa oo kaliya wixii ay dan ugu jirto umadda Soomaaliyeed wixii ay u aragto inaysan dani ugu jirinna way iska dhaafeysaa.”

Dhinaca kale hadallada adag ee ay beesha caalamku kasoo saareen xaaladda Soomaaliya ayuu ku fasiray cadaadis.

“Waxay rabaan inay cadaadiyaan dowladda iyo mucaaradkaba si markaas uu wadahadalku u furmo oo ay umadda masiirkeeda uga wada hadlaan. Laakiin hadda waxaad mooddaa beesha caalamku inay ku kala qabysan tahay arrinta Soomaaliya oo qaarna ay ka aamuseen qaarna ay leeyihiin dowladdu waa inay wadahadalkii dib u furtaa,” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab.

Nooca wadahadalka ee dib loo furayo “ilaa hadda ma cadda sababtoo ah baarlamaanku hadda wuu sharciyeeyay oo uu amray in guddiga doorashadu ay qabtaan hal qof iyo hal cod ah muddo labo sano gudahood ah”, sida uu yiri Dr Cabdiwahaab.

Beesha Caalamka oo wali ku adkeysaneysa hirgalinta heshiiskii 17 September

War saxaafadeed wadajir ah oo ay maanta soo saareen Beesha Caalamka ayay ku sheegeen in mowqifkooda uu yahay sidii dib loogu laaban lahaa miiska wadahadalka.

Bayaanka ayaa lagu yidhi:-

“Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin dhinac ah, ama tallaabooyin hor seedaya muddo kordhin cusub aan la taageeri doonin.

“Qaraarkii 12-kii April wuxuu wiiqay nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan wuxuu sidoo kale sii daahinayaa qabashada doorashooyinka lagu kalsoonaan karo ee ay sugayaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku qanacsan nahay in hirgalinta heshiiskii 17 Sebtember uu yahay waxa ugu wanaagsan ee la heli karo si tallaabo loo sii qaado sidaa darteedna waxaan ku boorineynaa Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo tallaabada xigta ee la qaadayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada hal dhinac ah oo kicin kara xiisadaha.

“Waxaan diyaar u nahay inaan siino xafiisyo wanaagsan si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17 Sebtember.”

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ay madaxda dowladda federaalka kasoo saareen hadallada is xigxigay ee kasoo baxay beesha caalamka.

Xigasho:BBCSomali