Ciidamada Ilaaladda Xeebaha Turkiga oo 117 qof magangalyo doon ah soo badbaaiyay.

Kooxaha Ilaaladda Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay 117 qof magangalyo doon ah. kuwaas oo dul sabaynayey biyaha Badweynta “Aegean see.” meel ka baxsan gobolka galbeedka Turkiga ee Izmir laba dhacdo oo kala duwan, ayey soo tebiyeen military-ga Turkiga. ka dib Markii ay ogaadeen doon ay ka buuxaan Dad magangalyo doon ah kuwaas oo dul sabanaya meel ka baxsan degmada Cesme.

diyaarad kuwa  sahan ka ah oo ka tirsan Ilaaladda Xeebaha Turkiga ayaa ku wargelisay doomaha kormeeraya badda. Doomaha ilaalada xeebaha oo soo gaadhay goobta ayaa ugu dambayntii badbaadiyey 94 qof oo magangalyo doon ah.warar dheeraad ah oo la helayo ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ilaalada Xeebaha Giriiggu ay si sharci darro ah ugu riixeen dhul badeedka Turkiga tahriibayaashan.

Dhacdadda labaad, isla cutubyo ka tirsan ilaalada Xeebaha Turkigu waxay soo badbaadiyeen Doon siday 23 qof oo magangelyo-doon ah kuwaas oo dul sabanayey meel ka baxsan degmada Dikili.

Hubin ka dib, tahriibayaasha waxaa loo qaaday hay’adda socdaalka ee gobolka.

Turkiga ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay dhaqanka sharci darada ah ee Giriigga ee gadaal ka riixaya dadka magangalyo doonka ah, iyagoo sheegay inay xadgudub ku tahay qiyamka bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah iyagoo khatar gelinaya nolosha muhaajiriinta nugul, oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa magangalyo-doonka ujeedadoodu tahay inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka cararaya dagaallada iyo cadaadiska.

Xigasho: Anadolu Agency.