Tahriibayaal ku dhintay xeebaha Jabuuti.

Jabuuti:- Bayaan kasoo baxay Hay’adda socdaalka adduunka ayaa lagu sheegay in 34 qof oo tahriibayaal ah ku dhinteen xeebaha dalka Jabuuti.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dadkaani geeriyoodeen kadib markii ay cellad ku timid doonti ay la socdeen.

Ugu yaraan 20 tahriibye ayaa ku geeriyooday xeebaha Jabuuti bishii Maarso ee lasoo dhaafay kuwaas oo kusii jeeday dalka Yemen.

Dowladda Jabuuti wax war ah kama soo sarin ilaa iyo hadda dadkaan geeriyooday.