Soomaaliya oo la soo gaarsiiyay tallaalka Shiinaha ee ka hortagga Corona.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad sidday tallaalka uu soo saaray Shiinaha ee ka hortagga cudurka Covid-19.

Tallaalkan oo gaarayay ilaa 200,000 xabbo oo nooca Sinopharm ah ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa horey u gaaray tallaalka Astrazeneca iyadoo dad badan ay qaateen tallaalkaas.