Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya mooshinka ku saabsan doorashada

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ayaa beri kulan ku yeelan doono magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka.

Kulankan ayaa waxaa shir gudoomin doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Fariinta loo diray xildhibaannada ayaa sidan u qorneed

“M.ne Xil Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha 1.Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka

Saacadu waa 09:00 subaxnimo”

Kulankaan ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar la xariiray in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday uu damacsan yahay muddo kororsi.