Ra’yi: SOMAALI WAXAY BA’ADAY Markey FARMAAJO dooratay

Marxaladda ay mareyso maanta Somaaliya waamid aad looga argagaxo oabuureysana welweliyo cabsi xoog leh, mana soo muuqato meellooga badbaadi karo haddii aan ficil deg-deg ah lagu fulin Farmaajowaa madaxweyne aanweligiis ka tanasuleen derajada  iyo dellada uumanta ku hoos jiro.  Waana arrin aan nagucusbeyn, waayoo waxaan soo marnay burburiyo barakac ragaadiyay ummadda oo dhan, cidwalibana ay xanuunkiisa dareentay.

Tubti Jaalle Siyaad maray ayuu ku socdaa ooxilka loo doortay iyo talada loo dhiibtay ayu, nasiib darro, u fasirtay inuu asaga kaliya ka talinkaro dalka inta kalena ay raciyo u yihiin.Mansabka madaxweynana uu isagu kaliyaqaban karomarkii loo sheegay labadimadaxweyne ee adiga kaa horeeyay waxayjagada ka degeen iyagoo jecel inay sii joogaan. Adigana waxaad tusaale ahaan u soo qaadatayM/weyne Ismail Cumar Geelle inuu Jabuuti kataliyo labaatan sano, wax dhibaanto ahna lama kulmin..

Madaxweyne Ismail waa nin dadkiisu jedelyihiin asaguna jecel yahay dadkiisa iyodalkiisabalse M/weyne Farmaajo wuxuu la mid yahay nin asagoo sakaraat ah la yiridardaaran waa socotaahe, markaasow yiriinaan joogo jeclaayaaow ku soo celceliyayilaa uu ka xijaabto…  Jaalle M/Weyne waxaakaa muuqata inaad tubti ku socoto waana tii uuJalle Siyaad eeday dalkaana ku burburiyay..Waa nasiib darro inaadan kala garan karin farqiga u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliya..waxaan kuxasuusineynaa inay Somaliya dib dambe uga talidoonin dadka sidaada oo kale u fikiraa, uuna kujiro damac ah inay dalkaan weligood hogaankau hayaan sida ka jirta Eritrea iyo dalal kale oo la mida.

Waxaa jira baaritaan laga sameeyay hab-dhaqanka Somalida taasoo culumo badan eexagga cilmi-nafsiga ku takhasusay isku raaceenin Somalidu aysan ku weyneyn shucuur iyodareen wadaninnimo, waxaana caqiida ahaanwax kasta kala weyn dareenka qabiilka. Waxaana taa markhaati u ah in mujrimiintiburburiyay dalkaan ama dadka badan ku laayayay u arkaan jufadooda inay sax yihiin oo ay taageero la garab taagan yihiin. Qof waliba ooSomaali ah jufadiisa ayuu garab taagan yahayfadeexad iyo dhibaato kasta ay geystaan. Waa yar yahay ama ma jiro qof wax ku cabbirashucuur wadaninnimo ama islaannimo midna, dalka iyo danta dadweynahay waxaa kala weyntan jufadiisa wax kasta oo dhaca.

M/weyne Farmaajo wuxuu isku haleynayaa in jufadiisu ay dalkaan xoog ku qabsan doontokuna maamuli doonto marki loo baahdo, kaddibmarkuu diyaarsaday ciidamou badan jufadiisaahna dhallin-yaro laga keenay gobolka Gedo sifiicanna loo diyaarinayo, isagoo aaminsan inayxoog ku qabsan karaan dalka. Wuxuuna ka soohorjeedaa inuu xal laga gaaro habka doorashada.

Wuxuu weydiistay Qaramada Midoobay inayfaraha kala baxaan doorashada Somalida oo loo madaxx baneeyo isaga si uu go’aan uga gaarowaana tallaabo muujineysa aqoonyari iyo caqli xumo uu damaciisu yahay in isaga loo dhaafo dadaalka socda. Farmaajo bal xasuusoxikmadi Carabiga ahayd ee MAN LAA YAMLIK QUUTUHU LAA YAMLIK QARAARUHUo micnaheedu yahayqofkaan quutkiisa heysan qaraar ama go’aanuu qaato xur uma ahan.

La soco qaybta 2aad

Cali Mubarak

Cali.mubaarak20201