Rag Hubaysan oo daqiiqado ka hor ku dilay Muqdisho Sarkaal ka tirsanaa CiidamadaBooliiska.

Koox hubeysan ayaa goordhow xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ku dilay Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar) oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya.

Kooxdaas dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay, iyadoo Sarkaalkaan la dilay uu ahaa mid si aad ah loo yaqaano.

Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.