Duruusta la baro CBB=Warbixin=

CBB inta eynan “Comment” ka bixin Qoraalada Dadku fikradahooda ku dhiibtaan ee Barha Bulshada, waxaa jiro Hal ku dhagyo CBB-da Dusha laga wada xafidsiiyo oo ey ka mideeysan yihiin, Waxaana ka mid ah:
1. Dheh, ” Prof. Somaliya ama kii Aqoonta lahaa haddii ey sidaan u hadalayaan, kan Caadiga ah muxuu dhihi doonaa”.
(Ogoow, CBB haddii ey taqaan prof. Somaliyeed wixii uu dhihi lahaa ee laga rabay in uu yiraa, CBB ha noo sheegaan, haddaba ey ogyihiin, isaga mexeey ugu eedeeynayaan meey iyagu noo sheegaan. Haddii uuna Aqoonyahanku Siyaasadda ka hadal ma Cunta kariska ayuu ka hadlayaa).
2. CBB Wixii aad fahmi weydo ee Garaadkaaga ka sareeyo, Adiga oo liidayo ugu jawaab “Aqooneey Xaal qaado”.
3. ku dheh, Canshuurta Shacabka ayaa Dowladu wax kugu baray, Si loogu qaato in Annaga oo ah Dowlada Hadda jirto aan wax barnay, uuna nagu caasiyay.
( CBB, Shacab ma cid gooniya ayey u yaqaaniin, sow kan wax bartay Shacab ma ahan, Canshuurta Dowladu xageey ka timid. ogoow Cashuur Dowlo wax laguuguma barin ee Waxaa wax la igu baray Lacagtii Waalidkaa Cashuur ahaan looga qaaday, haddii eyna bixin leheeyn waalidku Canshuur, Dowladu wax kuma barteen, waxaad wax ku baratay kharaj toos ah oo waalidkaa kaa bixiyay iyo mid si Dadban uu Cashuur ahaan uu ugu bixiyay. (( CBB ma ogtahay in ey jirto Cashuur aad Adigu hore u bixisay markii aad Caruurta aheyd weliba Lacag kaash ah, oo Dowladu kaa qaadatay. Canshuurtaa Caruurto bixiso ma fahamtay Adigu, mise Casharada CBB kuma jirto))
4. ku dheh, kii naga Aragti duwan “Qaran Dumis” ayaad tahay.
(Qaranku ma ahan Shakhsiga aad Taageersan tahay ama Kan aad diidan tahay).
5. ku dheh, Aqoontaada Dadka ugu faa’iideey, laakin sidaan Anigu rabo wax ugu sheeg Dadka.
6. ku dheh “Qabyaaladiista ayaad tahay” hadduu ka hadlo xaquuq ka maqan Qabiilkiisa iyo qabiilo kale oo la dulmiyay, ama kuu kashifo Xaq daro uu sameeyay Qabiilkeenu. Ogoow haddaan nahay CBB Hebel oo masuul ah waxaa ku taageerna Afar arrimood:
a) in aan isku qabiil nahay.
b) in uu neceb yahay Qabiilo Anigu aan necebahay.
c) in uu na siinayo Xil iyo Xoolo aanan mudneeyn la’aantiina aanan heli leheyn. Dowladda waa in aan ku taageeraa, waxa ey i siisay Xil iyo Darajo aanan xaq u leheeyn, kii xaqa u lahaana waa Dowlad diid.
d) in aad ka aar gudsato, Dambi aadan ogeeyn Cidda kaa gashay iyo Cidda Cadawga kuu ah.
7. ku dheh “Dhax dhaxaad ma tihid”, haddii uu ka hadlo khalad Dowladu gashay ama wanaag mucaaradku sameeyay.
8. Haddiiba aad “Safiinatu Salaad” Akhrisatay waxaad la doodi kartaa kan “Minhaajka” Akhrinayo, haddii aad Dugsi Sare ku saaqidayna kan PhD wato wax fahamsii.
9. ku dheh “shisheeye kalkaal” Qofkii wax ka sheego Dowladaha danaheena gaarka ah nagu taageero.
10. ku dheh “Shahaadadaadu waa Bug”, kii aad aqoontiisa fahmi weydo, haddii aanan Shahaadada laga tasdiiqin Xafiiska CBB.
11. kobaca dhaqaalaha Dalka ku cabir, Mushaarkaaga, Xilka laguu dhiibay, Gaadiidka iyo Guryaha aad leedahay ,Dadka kale baahidooda wax kaama galin.
Gunaanad.
Hayeey, Ar maanta CBB ayaan isku dardaartay. Bal Adiguna Akhristoow Qiimeeya Jawaabaha “Comments ka ah” oo ey bixin doonaan. kuna sax Points 0%- 100%.
Qore: Yahya Amir