Deg Deg: Muwaadin Soomaaliyeed goordhow oo lagu dilay Xaafadda Elsies River ee Magaalada Cape Town.

Muwaadin Soomaliyeed oo Magaciisa lagusoo koobay Ilyaas, ayaa ALLAHA u Naxariistee goor dhow lagu dilay Xaafadda Elsies River ee Magaalada Cape Town, xilli uu gaarigiisa ku dhax jiray.


Saddex kale oo Soomaali ah oo la socotay Marxuumka, ayaa ka badbaaday weerarkaasi ay fuliyeen kooxo hubaysan oo deg deg goobta uga baxsaday, sida ay Dadka deegaanka ii xaqiijiyeen.

Boliiska, ayaa isku gadaamay agagaarka goobta uu dilka ka dhacay, waxaana lagu raadjoogaa halkii ay qabteen burcadda.

Abdulrazak IndhaJaceyl