Al-shabaab oo qoysas danyar ah ka barakiciyay Deegaano ka tirsan gobolka Bay.

Bardaale:-Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay tobanaan qoys ka soo barakiciyeen deegaanada hoos taga Magaalada Bardaale.

 

Sababta ay Al-Shabaab dadkaas u soo barakiciyeen waxaa lagu sheegay ay ka diideen inay askareeyaan caruurtooda.

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq ayaa VOA u sheegay inay dib u dejin u sameynayaan dadkaas ay Al-Shabaab kasoo barakiciyeen deeganadoodii.

Hey’adaha samafalka ayuu guddoomiye Maxamed Isaaq ka codsaday inay dadkaan u soo gurmadaan, maadaama ay fooda nagu soo heydo bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay yihiin dad danyar ah oo guryahoodii laga soo barakiciyey.

Tuulooyinka dadkaan laga soo barakiciyey ayaa ah dhul beereed, waxayna dadkaan ku tiirsanaayeen tabcashada beerahooda, intii aysan ka soo barakici kooxda Al-Shabaab oo ku xujeysay inay caruurtooda askareeyaan ama deegaanka ay isaga guuraan.