Soow ma ihi Tanasul Badane? =Faallo=

Aniga oo tix galinayo Danaha Shacabka, waxaan ka tanasulay wax badan oo aan Aaminsanaa, markii horena aan idiin Ballan qaaday, si Dalku uuna u galin qalqal Siyaasadeed iyo colaad.
Aniga oo tix galinayo Rabitaanka Shacabka i taageersan, waxaan iska daayay oo aan Dartiin uga tanasulay aragatiyadii ahaa:
1.Waxaan ka tanasulay, in Muwaadiniinta aan difaacayo oo aan Cadaw loo dhiibeyn.
2. Waxaan ka tanasulay, in aan Noqdo Oday dhaqmeed maslaxa doon ah.
3. Waxaan ka tanasulay, haddii aan wax qaban waayo in aan Baabuurka gadaal ka galayo.
4.Waxaan ka tanasulay, in aan Dayaaradaha Shacabka la raacayo.
5.Waxaan ka tanasulay, in aan Dastuurka iyo Sharciga ku dhaqmo.
6. Waxaan ka tanasulay, in aan Amaanada ilaalinayo.
7. Waxaan ka tanasulay, in aan la dagaalamayo Musuq maasuqa.
8. Waxaan ka tanasulay, in aanan Qabyaalad ku shaqeyneyn.
9. Waxaan ka tanasulay, in Itobia ey Cadaw tahay.
10. Waxaan ka tanasulay, in Doorashada wakhtigeeda lagu qabto.
11.Waxaan ka tanasulay, in Jabuuti ey Walaal tahay.
12. Waxaan ka tanasulay, in Arrinta Somali land wada Hadal lagu dhameeynayo.
13. Waxaan ka tanasulay, in Doorasho Xur iyo Xalaal ah oo loo wada siman yahay la qabto.
14. Waxaan ka tanasulay, in Gobaladda Dalka aan si siman wax ugu qabanaayo.
Haddii intaas oo aan hore idiinkugu ballan qaaday aan Shacabka dartiis uga tagay.
Soow ma ihi Tanasul Badane?.
NB: Wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir