Madaxweyne Geelle oo lafilayo inuu ku guuleysto markii 5-aad madaxtinimada Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu kordhiyo xukunkiisa in ka badan 20-ka sano markii uu dalkaasi u dareeray doorashada guud.

Madxweyne Geelle oo 73 jir ah ayaa waxa uu wajahayaa siyaasiga ku cusub siyaasada Zakariye Ismaaciil Faarax oo ah ninka kaliya ee la tartamaya kadib markii xisbiyada mucaaradka ay go’aansadeen in ay qaadacaan doorashada.

Ganacsade ku takhasusay soo dejinta alaabada nadaafadda, Faarax oo 56 jir ah, waxay u arkaan indha indheeyayaashu inaysan caqabad weyn ku noqon doonin ninka awoodda ku haystay waddanka Geeska Afrika muddo 22 sano ah.

Geelle, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa ololihiisa ku soo gabagabeeyay Arbacadii dibad bax qurux badan oo kama dambeys ah oo ka dhacay garoon ay ka buuxeen taageerayaal faraxsan iyo dhaanto dhaqameed.

“Sida aan maanta kuugu arko adiga oo tiro badan, waxaan hubaa in sidoo kale aad tiro badan iman doontid goobaha codbixinta,” Geelle ayaa yiri ka hor dadweyne xirnaa funaanado ay ku xardhan yihiin xarfahiisa, IOG.

Ismaïl Cumar Geelle waa madaxweynaha haatan ee Jabuuti, isagoo xafiiska jooga tan iyo sanadkii 1999.