Haddii Saabuunta iyo Biyuhu ey Jirkaaga Nadiif ka dhigeen, Maxaa Shukumaanka wasakh ka dhigay.=Nasashada Jimcaha.Q-247=

1. Galabta waxaan tagay Guriga Nin Masuul ah, oo ka soo noqday Shirkii Teendhada Afisyoni, si aan u weydiiyo Sababta loo yiri: Shirkii waa fashilmay. waxaan arakay dharkiisa oo banaanka ku waran, waxbaan xasuustay waana iska soo noqday, Maxaan xasuustay?(F.S:1aad).
( Nin Joogo oon la tirsin, Hadduu Tagayana aan la celin, Hadduu maqan yahayna aan la tabin, iga dheh).
2. Axmed daacad ayaa shukaansan jiray Caasho Qosol wanaag. Caasho Mar kasta waxaa u xiran “Face Mask” waxa uu yiri: waxaad tahay qof dabeecad wanaagsan, Saddax Bil ayaan is naqaan, welina Wajigaaga ma arag. waxa ey ku tiri: Covid 19 ayaa jiro, wajigeeygana Arki meeysid Habeenka Aqal galkeena ka hore. waana ka ogolaaday.
Habeenkii Aqal galkooda ayeey wajigeeda ka qaaday “Face mask”. markaa ayaa ogaaday in Magaceeda Runtaa uu yahay Caasha Faruur. khaldku ma iyadaa, ma isagaa, mise waa “Face Mask” ?. iska jir Dadka qaar ayaa kor ka birbiraayo hoosna Baqbaq ka ah.(F.S:2aad)
( Cali Qaran ayaa markii la dooranay yiri: i Doorta, ii dulqaata, Door labaad i dalacsiiya. Dalacaadii ka hor ayaa la arkay in Magaciisa Runtaa uu yahay Cali Qabiil. Ma Isagaa khaldan, ma Adiga mise Doorashada ?).
3. Ha ku habaarin Cadawgaaga Geeri, Ha dhihin: Alloow Cadawgeeyga oo dhan Cagta ka hoos. waxaa dhici karto in lagaa aqbalo Habaarkaaga oo aad weydo qaar badan oo ka mid ah Qaraabadaada iyo Saaxiibadaa. ( F.S: 3aad).
4. Haddii Saabuunta iyo Biyuhu ey Jirkaaga Nadiif ka dhigeen, Maxaa Shukumaanka wasakh ka dhigay.
(Haddii N iyo N ey Run tahay maxaa keenay Bug bugta iyo Baahida. Hana la yaabin Haddii aad aragto Asgari Miskiin oo Daacada ah oo Garacayo Shacab Isna Miskiina oo Daacada ah, isaga oo ka difaacayo Masuul Taajira oo Khaa’in ah) ( F.S: 4aad).
5. Nin maal qabeen ahaa ayaa yiri: Naagtii rabto in ey ku khayaanto mar kasta waa ku khayaani kartaa , Haddii and Dayaarad u iibso si ey kaligeed Hawadda ugu Damaashaado, waxa ey shukaansanee Duuliyaha .
( waxaa jiro Rag iyo Dumar wanaag kasta oo aad u sameeyso dooqoodu uu yahay inay ku khayaanaan, iska jirhee, Aduunyada waa la isla joogaahe).
6. Haddii aad ka dhalatay Reer ku taajiray Madaxtinimo Musuq ku saleeysan oo aad ku soo kortay Maal Masakiin laga maroojiyay. weligaa si xun ha ula dhaqmin, Darawaladii iyo Shaqaalhii Gurigiina ka shaqeeyo jiray intii aadan dhalan, waxaa dhici katro in qaarkood ey yihiin, waalidkaaga Run ah, ee DNAda.
( Arrintaa waxaa lagu ogaaday, Cilmi baaris uu sameeyay ” Howlwadaag Institute of Science & Human Origin” kadib baaritaan lagu sameeyay Caruurta 10 wasiir, iyo 20 Xildhibaan oo cuqubo ku dhacday Markii ey Xoolihii Masaakiinta ku ilma korsadeen).
Qore: Yahya Amir