Colaadda Soomaalida iyo Canfarta oo heshiis laga gaaray.

Waxaa magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

Heshiiska nabadeed ee ay labada madaxweyne ka gaareen colaaddi labada deegaan u dhaxeysay waxaa horkaceysay Wasiiradda nabadda ee dalka Itoobiya Mufariyaat Kaamil.

Labada deegaan xadka ay wadaagaan waxaa ku dhex maray dagaal uu dhiig badan ku daatay shacab badanna ay ku barakacen.

Wadahadalkaan oo sidoo kale uu qayb ka ahaa Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah joojinta colaadda iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Maxaa lagu heshiiyey?

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba waxay ku heshiiyeen iney colaadda si degdeg ah u joojiyaan kaddibna xal waara ay u raadiyaan colaadda soo noqnoqotay ee labadaasi deegaan ee deriska ah dhex marto.

Wasiirka warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cali Baddal Muxumed wuxuu BBC-da u sheegay in lagu heshiiyey qodobba colaadda lagu soo afjari karo qodobbada heshiiskaasi ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah:

– In colaadda labada deegaan ka dhex taagan la joojiyo

– In ciidamada labada deegaan ee ay toddobaadyadi u dambeeyey dagaalladu dhexmarayeen la kala qaado

– In la sameeyo goob ka caaggan ciidamada oo u dhaxeysa xuduudda labada deegaan dhan walbana ay 10 km ay xadka dib

uga durkaan

– Goobahan ay labada deegaan isku haystaan qaddiyaddooda in sharci ah lagu xalliyo inta ka horreysana ciidamada qaranka ay

amniga goobahaasi sugaan

– In la sameeyo guddiyo isku dhaf ah oo heshiiska ka shaqeeya iyo in la sameeyo aag ciidanka ka caaggan oo dhan masaafa 10

km ah labada dhanba si looga baaqsado dagaal labada ciidan ee deegaannadaasi markale dhex maro.

– In baaritaan ku saabsan dhibaatooyinka meesha ka dhacay la sameeyo

– Aagga ay dhibaatadu ka taagan tahay labada deegaanba iney wax deegaameyn ah ay ka sameeynin iyo

– Laga billaabo maanta goobaha labada deegaan uu dagaalka ku dhexmaray amnigooda iney la wareegaan ciidamada

qaranka.

Kulanka heshiiska nabadeed lagu gaaray

“Kulanka ay labada deegaan heshiiska ku gaareen waxaa soo agaasintay oo goob joog u ahayd wasiiradda nabadda ee dowladda dhexe Mufariyaat kaamil, waxaana heshiiskaasi goob joog u ahaa soona xiray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed fulinta heshiiskanna waxaa dammaanad u ah iisuna kaashanaya hay’adaha amniga ee labada deegaan oo kaashanaya ciidamada qaranka” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cali Baddal Muxumed.

Dagaallada u dhaxeeya labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobiya oo ah mid soo noqnoqday ayaan weli xal waara loo helin iyada oo labada deegaanba ay kala sheeganayaan lahaanshaha tuulooyin ku teedsan xadka labadaasi deegaan.

Colaadda maxay salka ku haysaa?

Shucuubta Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallama deegaanno ay labada deegaan lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadaka ay wadaagaan deegaannadaasi.

Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo waxaa xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaari karaa.

Go’aanka guddiga doorashooyinka oo ay si weyn uga biyo diideen maaulka dowlad deegaankaSoomaalida iyaga oo qoray warqad ay ku sheegeen iney marnaba aqbaleyn dhul uu deegaanka soomaalida leeyahay in deegaan kale la hoos geeyo.

Deegaanka cafrtana dhankoda waxay ku doodayaan in tuulooyinka 8-dda ah uu guddiga doorashooyinka go’aanka ka gaaray la hoos geeyo deeganka cafarta doorashada soo socotana ay uga dhacdo deegaankaasi.

Guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiyana go’aanka ay gaartay waxay u sababeysay inta xal waara laga gaaraya qaddiyadda tuulooyinka ay maamullada labada deegaan isku haystaan iney xal u aragto labada deegaanba iney halkaasi doorasha ka sameyn si looga gaashaanto isku dhac dambe oo yimaaddo.

Xukumaddii deegaanka Soomaalida ka rrimineysay uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar tuulooyinka Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise waxay siisay deegaanka cafarta iyada oo loo qoray warqad rasmi ah oo dhulkaasi deegaanka cafrat lagu hoos geynayo.

Hase yeeshee golaha wasiirrada ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar ayaa sanadki hore laalay heshii ay dowladda dowladda dhexe ee dalka Itoobiya taageereysay oo deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi ay dhacayeen rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Colaaddan oo deegaankaasi ka taagneyd labadi sana ee la soo dhaafay waxaa ku naf waayey dad ka badan 400 iyada ooh anti aad u bandanna ay ku burburtay.

Xigasho:BBCSomali