Tababar loo soo gagabeeyay ciidamada kuwa xoogga dalka iyo ciidanka Booliiska.

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ahna ku simaha Taliyaha Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed( Kaniif) ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidan ka wada tirsan Daraawiishta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan gobolka Galgaduud,Tababarka ayaa waxaa u ka socday Xerada  Gen Dhaga-badan.

Tababarkaan oo ku saabsanaa, sidii looga aruuriyo walxaha qaraxa wadooyinka ay Shacabku isticmaalaan oo ay argagixisadu qaraxyo dhagar ah geliso.

Ciidankan ayaa loo diyaarinayay  howlgalo looga nadiifinayo  wadooyinka oo looga ilaalinayo  haradiga walxaha laga cabsi qabo in ay sababan qaraxayo ay dad ku nafwayaan.

Waxaana bixinta tabarkaan oo qeyb ka ahaayeen, EU Training Mission (EUTM), EUCAP Xoogga Dalka iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeediyada,iyadoo uu tababarku socday mudo dhan  42 Cisho  ayaa maanta la soo gagabeeyay.