WHO: Corona Fayras wuxuu ku dhacay in ka badan 4 malyan oo qof todobaad gudihiis.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in cudurka Karoona Fayras ku dhacay in ka badan 4 malyan oo qof todobaad gudihiisa.

Xogtaan ay hay’adda baahisay ayaa tilamamaeysa in faafitaanka Karoona kordhay 5% laga soo billabo 29 Maarso ilaa 4-tii Abriil.

Hay’addu waxey intaas ku dartay in 71,000 oo qof ay u dhimatay todobaadkii lasoo dhaafay taas oo muujineysa koror ah 11%

Waxaa laga diiwaan geliyay qaaradda Yurub gudaheeda in Karoona ku dhacay in ka badan   1.6 malyan oo qof isbuuc gudihiisa.