Deg Deg: Shirkii Golaha Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka oo hadda ka furmay Teendhada Afisyooni.

Muqdisho:- Shirkii Golaha Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ayaa hadda ka furmay Afisyooni.

Shirka oo uu shir gudoominaayo Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha JFS , dhammaan Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada dalka Iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.