RW Rooble oo xalay booqday ciidankii ku soo dhaawacmay weerarkii Bariire iyo Awdheegle.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay booqasho ugu tegey ciidamadii dhawaan ku soo dhaawacmay dagaaladii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyadii ciidamada xoogga ay ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey ciidanka difaaca dalkooda u dhaawacmay in Allah uu caafiyo oo u booga dhayo.

Intii uu booqashada ku jirey Raisal Wasaare Rooble wuxu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Xoogga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxu dhaawacyada u ballan qaaday in dowladdoodu hiil iyo hooba la garab taagnaan doonto illaa iyo inta ay ka soo bogsoonayaan.