Run miyaa? Ma ogi. No.400=Duq Cosobeey ayaa tiri:=

Cosobey: Oday Cosoboow maanta inteed u socotaa oo warqadahaan aad u wadataa ?
Cosoboow: Maanta AMISOM iyo UN ayaan u socdaa oo Arji ayaan u qortay Teendhada Afisyoni.(F.S:1aad).
Cosobeey: Ganacsadaan kugu ogaay, ee Ma Siyaasi ayaad noqotay.
Cosoboow: Maya, ee Waxaan rabay in Teendhada la iga kireeyo Maalmaha Shirku Baaqdo, Si Aroosyada loogu dhigto.
Cosobeey: Yahoo, kuwii mahaas isku arooso xeeyhee dhalaayaan, kuwii ku shirayay ayaanba wax laga sugeeyne, Dadaase ku ajaran.
Cosoboow: wexeey rabaan ha dhaleen, Ma ebedaa Cosoboow iyo Cosobeey cid u darsadeen, Laakin, Khayr iska niyeeyso, kirada aroosyadaa nagu filane.
Cosobeey: Horta xaa leeysku heeystaa?.
Cosoboow: ma ogi, waxaase maqlay Kuwaa yiri: 19 feb. 2021 wixii dhacay kama hadli kartiin oo kuwa wax la yeelay isku qabiil ma tihiin, Annagaa isku qabiil ah.
Cosobeey: Xaa hee loogu jawaabay?.
Cosoboow: waxaa loogu jawaabay, Adinkuba kan aad u hadleeysiin isku qabiil ma ihidiin, ee Annagoow nagu qabiil yahay.
Cosobeey: Macbuudka, ma hadeey Qabiil u noqotay !, Cirkeey ku dhasqooliyay.
Run Miyaa? Ma ogi.
Qore: Yahya Amir