Wafdi ka socda Dalka Zambia oo Booqasho ku tagay Magaalada Hargaysa.

Wafdi ka socda dalka Zambia ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax bannaanida ee Somaliland kuwaas oo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

Waxaana wafdigan hoggaaminayay wasiirka caddaalladda Zambia iyo mas’uuliyiin kale, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa BBC u sheegay in wafdigan ay casuumaad u fidiyeen isla markaana ay ka qeyb tahay dadaalladaa ku aadan qadiyadda madaxbanaanida iyo sidii xiriir iyo iskaashi ay ula yeelan lahaayeen dalal dhowr ah.

Waxaana lagu wadaa in wafdigan ay kulan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland ayna ka wadahadli doonaan arrimo siyaasadeed iyo kuwo iskaashi.