Jilaaga weyn ee Filimada Hindiga Akshay Kumar oo isbitaal loola cararay.

Delhi:-Jillaaga caanka ah ee sameeya filimada Hindiga ee ay soo saarto shirkadda Bollywoodka ee Akshay Kumar Soomaaliduna u tagaan Master Bon ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Mumbai kadib markii laga helay xanuunka safmareenka ah ee Karoona.

Hawlwadeenada caafimaadka ayaa sheegay in jilaagaan uu ku dhacay xanuunka Karoona kadibna la geeyay qeyb gaar ah oo lagu dawaynayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka uu Masten Boon ku jiro waxay sheegeen inay hadda dawooyin u bilaabeen.

Maalin ka hor ayuu Akhay Kumar uu bartiisa facebook ku qoray in xanuunka Covid 19 laga helay haddana uu ladnaan dareemayo.

Dhawr jillaa oo kale oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda Bollywood oo ay ka mid yihiin Amir Khan iyo Amiitaa Bakshan oo Cali Dheere loo yaqaan ayaa laga helay xanuunkaan saf mareenka ah ee karoona.

Hindiya oo dhan qiyaastii 12 million oo qof ayuu ku dhacay karoona waxaana u geeriyooday 165 kun oo qof.